Rasmi • Sugan • Lagu Kalsoonaan Karo

Nootaayada Dadweynaha · Baydhabo, Soomaaliya · Tan iyo 2022

Dukumentigaaga.
Xuquuqdaada. Kalsoonidaada.

Waxaan si sharci waafaqsan u diyaarinaa, u xaqiijinnaa una sugnaa heshiisyada, kala wareejinta hantida iyo mucaamalaadka muhiimka ah.

Sii eeg

“Mé Guurtéda Murung Ay Koo Galne Marwaaz Marag Ku Abtugoy”

— MARWAAZ PUBLIC NOTARY
Ilaalinta SirtaDukumenti La XaqiijiyeyAdeeg Degdeg AhHeer Xirfadeed
Kaydka dukumentiyada Marwaaz Public Notary
RasmiDukumentiyo si taxaddar leh loo sugo
NAGU SAABSAN

Saxiix kasta waa saxnaan.
Dukumenti kasta waa kalsooni.

Marwaaz Public Notary waxay adeegyo nootaayo oo rasmi ah siisaa shaqsiyaadka, ganacsiyada, hay'adaha iyo ururrada. Ujeedkeennu waa in dukumenti kasta loo diyaariyo loona xaqiijiyo si sax ah, sugan oo sharciga waafaqsan.

Nootaayada Marwaaz waxay oggolaansho rasmi ah ka haysaa Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xafiisku wuxuu furan yahay tan iyo sannadkii 2022.

DaacadnimoXirfadIlaalinta SirtaSaxnaanDaahfurnaanQanacsanaanta Macmiilka
Eeg adeegyadayada
01ADEEGYADA NOOTAAYADA

Adeegyo sharciyeed oo lagu kalsoonaan karo

Waxaan si xirfad, hufnaan iyo mas'uuliyad leh u diyaarinaa una sugnaa mucaamalaadka, heshiisyada iyo kala wareejinta hantida.

Kala Wareejinta Guryaha iyo Beeraha

Waxaan si sharci ah kuu diyaarinaa dukumentiyada kala wareejinta guryaha iyo beeraha.

Faahfaahin

Kala Wareejinta Baabuurta iyo Dhulka

Waxaan kuu diyaarinaa heshiisyada iyo caddaynaha lahaanshaha gaadiidka iyo dhulka.

Faahfaahin

Kala Wareejinta Hantida Guurtada iyo Maguurtada

Waxaan si sharci ah u samaynaa habraaca kala wareejinta hantida guurtada iyo maguurtada ah.

Faahfaahin

Sharciyeynta iyo Diiwaangelinta Hantida

Waxaan diiwaangelinnaa oo xaqiijinnaa hantida sharciyeysan si rasmi ah.

Faahfaahin

Kala Wareejinta Saamiyada Shirkadaha

Waxaan kuu diyaarinaa dukumentiyada rasmiga ah ee wareejinta saamiyada shirkadaha.

Faahfaahin

Qorista Codsiyada iyo Araajida Dacwadaha

Waxaan kuu qornaa araajida dacwadaha si sax ah oo sharciga waafaqsan.

Faahfaahin

Qorista Mucaamalaadka Rasmiga Ah

Waxaan qornaa oo habaynaa mucaamalaadka sharciga ah ee ganacsiga iyo shaqsiyaadka.

Faahfaahin

Diyaarinta Heshiisyada Sharciga Ah

Waxaan kuu qornaa heshiisyo cadcad oo si sugan u ilaalinaya xuquuqdaada.

Faahfaahin

Caddaynta Lahaanshaha

Waxaan kuu caddaynaa lahaanshaha hantida ama iskaashiga ganacsiga.

Faahfaahin

Damaanadaha Sharciga Ah

Waxaan qornaa oo xaqiijinnaa damaanadaha leh awoodda rasmiga ah ee sharciga.

Faahfaahin

Cabbiraadda Dhulka iyo Xogta GPS-ka

Ka hor kala wareejinta dhulka, waxaan booqannaa oo cabbirnaa dhulka, waxaanay qaadannaa xogta GPS-ka.

Faahfaahin
02HABRAACA ADEEGGA

Afar Tallaabo oo Fudud oo Nootaayadu Qaaddo

Habraaca shaqo ee Nootaayada Marwaaz wuxuu u dhisan yahay si hufan oo aad tallaabo kasta ugu kalsoonaato.

01

1. Keenida Dukumentiga iyo Aqoonsiga

Keen dukumentiga asalka ah, aqoonsiga sawirka leh ama sugiyaasha (markhaatiyada) xafiiskayaga Baydhabo ku yaal ama ballan ku qabso.

02

2. Booqashada Goobta iyo GPS-ka

Haddii adeeggu yahay dhul ama hanti maguurto ah, kooxdayadu waxay booqataa goobta si loo cabbiro oo loo qaado xogta GPS-ka.

03

3. Diyaarinta, Qorista iyo Hubinta Sharciga

Nootaayadu waxay qortaa oo diyaarisaa dukumentiga sharciga ah, iyadoo si taxaddar leh u hubisa milkiyadda, aqoonsiyada iyo saxiixyada dhinacyada.

04

4. Shaabadaynta, Diiwaanka iyo QR-ka

Dukumentiga waxaa la saaraa shaabadda rasmiga ah, la diiwaangeliyaa, waxaana la siiyaa lambar tixraac iyo Koodhka QR-ka ee xaqiijinta.

03SHURUUDAHA LOO BAAHAN YAHAY

Waa maxay dukumentiyada loo baahan yahay?

Si si degdeg ah oo hufan loogu adeego, hubi inaad sidato dukumentiyada saxda ah ee loo baahan yahay nooc kasta oo kala wareejin ah.

Kala Wareejinta Dhulka

  • Warqad sharci ah oo caddeynaysa lahaanshaha dhulka (Sabarloog ka soo baxay Dowladda Hoose)
  • Ama warqad Nootaayo oo hore loo sharciyeeyay
  • Haddii aan la haysan warqad rasmi ah, waxaa la sameeyaa Warqad Sugitaan Lahaansho oo Nootaayadu soo saarto

Kala Wareejinta Baabuurta

  • Buugga lahaanshaha rasmiga ah ee baabuurka
  • Ama warqad Nootaayo oo hore loo sharciyeeyay
Haddii Iibiyuhu Maqan Yahay?

Haddii qofka dhulka iibinaya uu ka maqan yahay dalka ama magaalada, waxaa loo baahan yahay Warqad Wakaalad ah oo ka soo baxday Nootaayo ama Safaarad dowladeed.

Cabbiraadda Dhulka iyo GPS-ka

Ka hor kala wareejinta dhul kasta, waxaan booqannaa goobta, cabbirnaa dhulka waxaanay diiwaangelinnaa xogta GPS-ka si loo xaqiijiyo.

ADEEG LA AQOONSAN YAHAY

Kalsooni lagu dhisay kumanaan dukumenti oo la xaqiijiyey.

0+Dukumentiyo la xaqiijiyey
0+Macaamiil qanacsan
0+Adeegyo xirfadeed
0%Qanacsanaanta macaamiishta
04MAXAA MARWAAZ LOO DOORTAA?

Heer Sare Oo Adeeg Sharci Iyo Nootaayo Ah

Kalsoonida sharciga ah waxay ka dhalataa habraac nidaamsan, xaqiijin sugan iyo ixtiraam sare oo macmiil kasta loo hayo.

Adeeg Sharci oo Lagu Kalsoon Yahay

Adeeg kasta oo aan bixinno wuxuu ku dhisnaan yahay mas'uuliyad iyo sharci-fulin toos ah.

Dhammaystir Degdeg Ah

Waan dhowrnaa waqtigaaga macnaha leh, tayada adeeggana kama tanaasulno.

Xafidaad iyo Dhowrid Sugan

Dukumentiyadaada iyo warqadahaaga rasmiga ah waxaan u xafidnaa si sugan.

Koox Sharci oo Khibrad Leh

Waxaad ka helaysaa la-talin sharci, hagid toos ah iyo ixtiraam sare.

Xaqiijinta Nidaamka Casriga Ah

Dukumenti kasta waxaad ku xaqiijin kartaa lambarkiisa tixraaca ama Koodhka QR-ka.

Habraac Sharci oo Rasmi Ah

Dhawrida heshiisyada iyo mucaamalaadka oo dhan waxaa loo fuliyaa si sharciga waafaqsan.

Ilaalinta iyo Dhowrida Sirta

Xogtaada iyo dukumentiyadaada waxaan u xafidnaa si qarsoodi ah oo ammaan ah.

Garab-staag iyo Taageero Joogto Ah

Waan ku garab taagannahay ka hor, inta lagu jiro iyo ka dib dhammaystirka adeegga.

MARDHOW • COMING SOON

Xaqiijinta Dukumentiyada Onlaynka Ah (Mardhow)

Nidaamka casriga ah ee lagu xaqiijinayo dukumentiyada rasmiga ah ee Marwaaz wuxuu ku jiraa habayn ama diyaarinta u dambaysa (Mardhow ayaa si toos ah loo furi doonaa).

  • Nidaam casri ah oo QR leh
  • Diiwaangelin sugan oo toos ah
  • Xaqiijinta tixraaca rasmiga ah
MARDHOW (COMING SOON)

Adeegga Xaqiijinta Onlaynka Ah Wuu Soo Socdaa

Kooxdayada IT-ga waxay ku guda jirtaa dhismaha nidaamka xaqiijinta Koodhka QR-ka iyo tixraaca rasmiga ah. Mardhow ayaad si toos ah ugu hubin kartaa dukumentiyadaada halkan.

XIRIIR DEGDEG AH

Ogow goorta uu xafiisku furan yahay, oo si toos ah nala soo xiriir.

Xaaladda xafiisku waa mid toos ah (Live). Wac ama noo dir fariin WhatsApp ah wakhti kasta — kooxdayada ayaa si degdeg ah kuugu jawaabi doonta.

Nala Soo Hadal+252 617 414141 / +252 613 536 363
Furan: Sabti – Khamiis7:30 subaxnimo – 7:30 fiidnimo

Xogtaada si sugan oo qarsoodi ah ayaan u xafidnaa.

05WAAYO-ARAGNIMADA MACAAMIISHA

Kalsoonida ay macaamiisheenu ka warramayaan

Tallaabo kasta si cad ayaa naloo sharxay, dukumentiyadii nala sameeyayna si degdeg ah oo xirfad leh ayaa loo dhammeeyey.
AX
Aamina XasanGanacsato
06SU'AALAHA UGU BADAN EE LA ISWEYDIIYO

Jawaabo cad oo ku saabsan adeegyadayada

Haddii aad qabto su'aal gaar ah oo aan halkan ku qornayn, nala soo xiriir; kooxdayada ayaa si degdeg ah kuugu jawaabi doonta.

01Sidee dhulkayga oo aan sharciyaysnayn la iigu sharciyeeyaa?

Waxaad Nootaayada horkeenaysaa sugiyaal dhulkaas milkiyaddiisa xaqiijin kara, ka dib Nootaayadu waxay ka qoraysaa warqad sugitaan ah oo tilmaamaysa lahaanshaaga.

02Sidee dhulkayga ugu samaysan karaa Sabarloog ka soo baxda Dowladda Hoose?

Si dhulkaaga laguugu sameeyo Sabarloog, Nootaayada Marwaaz ayaa kuu qoraysa warqad lagu sugayo dhulka haddii aadan haysan warqad sharci ah oo nootaayeysan, ka dibna Dowladda Hoose kaaga dalbaysa Sabarloogga.

03Intee muddo ah ayay qaadataa dhammaystirka adeegyada Nootaayada?

Waqtiga ay qaadanayso waxay ku xiran tahay nooca adeegga.

04Xaggee ayay ku taallaa Nootaayadu?

Nootaayadu waxay ku taallaa nawaaxiga Ex-Dahabshiil, ka soo horjeedka Huteel Baydhabo.

05Nootaayada Marwaaz ma leedahay aqoonsi iyo leysan sharci ah?

Haa. Nootaayada Marwaaz waxay ka diiwaangashan tahay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Wasaaradda Caddaaladda ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xafiisku wuxuu si rasmi ah u shaqaynayay tan iyo sannadkii 2022.

07KOOXDA XIRFADLAYAASHA

Khibrad, mas'uuliyad iyo adeeg kuu gaar ah

Kooxdayadu waxay isku dartaa go'aan taxaddar leh, habraac nidaamsan iyo ixtiraam macmiil kasta.

DCMaamulaha Guud

Dr. Cabdirisaaq Yacquub Xasan

Maamulaha Guud

Hogaaminta iyo Maamulka Guud ee Nootaayada

La xiriir
CXMaamule Ku-xigeen

Cabdisalaan Xasan Bilow

Maamule Ku-xigeen

Maamulka Adeegyada iyo Hagida Sharciyeed

La xiriir
SCHawl-wadeen

Saalax Cali Maxamed

Hawl-wadeen

Shaqaalaha Adeegyada iyo Diiwaangelinta

La xiriir
XCHawl-wadeen

Xasan Cali Mursal

Hawl-wadeen

Shaqaalaha Adeegyada iyo Diiwaangelinta

La xiriir
MCHawl-wadeen

Maxamed Cali Xuseen

Hawl-wadeen

Shaqaalaha Adeegyada iyo Diiwaangelinta

La xiriir
HMHawl-wadeen

Haaruun Maxamed Xasan

Hawl-wadeen

Shaqaalaha Adeegyada iyo Diiwaangelinta

La xiriir
DIYAAR MA U TAHAY?

Dukumentigaaga maanta u keen Nootaayada Marwaaz.

Kooxdayadu waxay diyaar u tahay inay kaa caawiso tallaabo kasta — booqasho, ballan ama xaqiijinta dukumentiga.

BOOQASHADA XAFIISKA

Booqashada Xafiiska Nootaayada Marwaaz Ee Magaalada Baydhabo

Goobta XafiiskaMarwaaz Public Notary

Nawaaxiga Ex-Dahabshiil, ka soo horjeedka Huteel Baydhabo, Baydhabo, Soomaaliya

Telefoonka Xafiiska+252 617 414141 / +252 613 536 363
Iimaylka Rasmiga Ahmarwaaznotary@gmail.com
Saacadaha ShaqadaSabti – Khamiis

7:30 subaxnimo – 7:30 fiidnimo